Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Golihiisa Wasiiradda

250

Dhuusamareeb – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay Golahiisa Wasiiradda oo ka kooban 23 xubnood.

Liiska wasiiradda cusub ee la shaaciyay ayaa waxaa ka mid Axmed Macallin Fiqi oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo loo magaacabay wasiirka amniga gudaha Galmudug iyo Saabir Nuur Shuuriye isna ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo magaacabay Wasiirka Dekeddaha iyo Kalluumaysiga Galmudug.

23 wasiir ee la magaacabay ayaan waxaa la filayaa in madaxweyne uu ku soo daro wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dowladayaal la tira siman.

SHARE