Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo, kormeerna ku tagay xerada indha-qaris

790

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan labbada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Kormeer ku tagay xerada Indha-qaris oo loo asteeyay in lagu xareeyo ciidamada loo diyaarinaayo Daraawiishta Galmudug.

Qorshaha kormeerka madaxweynaha ayaa gogol-xaar u ah diyaarinta ciidamo awood leh oo uu yeesho maamulka, si loogu guuleysto xaqiijinta amniga Galmudug iyo xoreynta dhulka ka maqan gacanta maamulka, side ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si toos ah ugu wareejiyay madaxweyne Qoor-qoor ciidamada ku xareysan xerada oo tira ahan ku dhow 350 askari iyo gawaari ciidan oo ay wataan.

Wasiirka ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in ay wali harsanyihiin ciido kale oo maleeshiyaad ah kuwaas oo maalmaha soo aaddan soo xaroon doono.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa ballan qaaday xuquuqda ciidankaan la xareeyay iyo kuwa kale ee soo xaroon doono, wuxuuna sheegay in maanta laga billaabo ay yihiin ciidamo matala Galmudug oo aysan maleeshiyo beeleed, lagana rabo in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, ilaaliyaanna wax walba oo wax u dhibaya sharafka Galmudug.

Waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday magaalada Gaalkacyo qorshe lagu xareynayo maleeshiyo beelaadyada iyo hubka ay wataan iyadoo tababaro la furayo si ay uga mid noqdaan ciidanka Galmudug.