Madaxweynaha dalka Eriteriya Asaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimaadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Isaias Afwerki oo casuumaad ka helay ayaa saaka ku tagay magaalada Addis Ababa booqasho labo cisho halkaasi oo wadahadalo ku saabsan heshiiskii nabadda dhawaan dhexmaray Eriteriya iyo Itoobiya uu kula yeelan doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Eriteriya.
On the invitation of Prime Minister Abiy Ahmed, President Isaias Afwerki departed to Ethiopia this morning for a two-day working visit. The two leaders will discuss progress of the Peace Agreement signed between the two countries on July 9 & other developments of mutual interest pic.twitter.com/SoohMFyiBt
— Yemane G. Meskel 🇪🇷 (@hawelti) October 14, 2018
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadali doono adkeynta xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo arrimaha kale muhiimka ah ee dib loogu unkayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Eriteriya iyo Itoobiya.
Eritrea iyo Itoobiya ayaa soo afjaray colaadii muddo 20 in ka badan u dhexeysay kaddib heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen dhawr bilood ka hor.