Madaxweynaha Ereteriya oo Muqdisho ka dhoofay

417

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo shalay soo gaaray maagalada Muqdisho ayaa galabta soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah.

Madaxweyne Aferwerki ayaa kulamo wadatashi ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo qasriga Madaxtooyadda iyagoo ka wadahadlay qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal,
iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tilmaamay booqashadiisa mid ka tarjumaysa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Aferwerki ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay ku dhisayso, laguna tayeynayo hey’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Sida lagu xusay war murtiyeedka ay soo saareen shirkooda kaddib.

Madaxweyne Aferwerki ayaa xalay maagalada Muqdisho isaga wafdigiisa casho loogu sameeyay. Waa booqashadii ugu horresay oo uu Soomaaliya ku yimaado tan iyo markii Ereteriya xoriyadda ka qaatay dalka Itoobiya sanadkii 1991.

SHARE