Muqdisho (UM) – Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa iska casilay xilkii Madaxweynaha dowladda Goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Shariif Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa sheegay inuu so rasmi ah iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kale uusan isku sharaxi doonin doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee filayo in ay dhacdo 17ka bishaan November.
”Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7/11/2018 waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka tanaasuley musharaxnimadaydii tartanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo u mudeysneyd 17/11/2018, taaasoo oo aan u arkey xaaladaha ka dhex-jira dowladda dhexe iyo maamul Goboleedka koonfur Galbeed oo aan hogaaminaayey anigoo u turaaya Dalka, dadka iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya”. Ayuu yiri Madaxweynaha iscasilay ee Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ka hadlayay.
Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa markii uu iscasilay waxa uu xilka si ku meel gaar ah ugu wareejiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa oo xilka hayn doono inta laga soo dooranayo madaxweynaha Koonfur Galbeed iyadoo uu goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Shariif Xasan ayaa sidoo kala shir jaraa’id ka sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kusimaha Madaxweynaha xilka la wareegay ay ka wadashayndoonan doorashada soo socota ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed hayay muddo afar sanno ah.