Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho. Madaxweyne Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaraha Aden Abdulle ku soo dhaweeyay wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii uu soo degay loo galbiyay dhanka madaxtooyadda. Waxaa la filayaa inuu kulan la qaadan doono madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Booqashada Madaxweynaha Jubbaland ee magaalada Muqdisho ayaa ka dambaysay dhawr toddobaad ka hor markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Kismaayo halkaasi oo kulamo looga hadlay xiriirka Jubbaland iyo dowladda Federaalka uu kula yeeshay Madaxweynaha Jubbaland.