Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo looga digay inuu soo celiyo wasiiradii hore ee maamulkaasi

819

Xildhibaannada dowladda maamulka gobolleedka Galmudug aya siweyn uga hor yimid talaabo soo jeedin ah oo la sheegay inuu u soo bandhigay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ugu sheegay baarlamaanka in uu isku shaandheyn ku sameyn doono xubnihii hore ee golaha wasiiradda Galmudug ee uu hore usoo magacaabay M/weynihii hore Abdikariim Xuseen Guuleed

Xildhibaannada ayaa sheegay in arintaasi ay ka soo horjeesan donaan hadii uu Madaxweyne Xaaf ku kaco islamarkaana madaxweynaha looga fadhiyo in uu soo magacaabo gole wasiiro cusub oo hore u wadi kara maamulka uu la haray khilaafka iyo siyaasadaha kala duwan ee is diidan.

Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay madaxweynaha ka diiden go’aanka uu ka qaatay soo magacaabista golaha wasiirada, waxaana uu intaa ku daray in ay ka doonayaan gole wasiiro cusub.

‘’Waxaa loo baahan yahay in Galmudug isbadal dhinaca maamulka uu ka dhaco, in badan oo xildhibaannada ah waxaa ay qabaan in go’aanka madaxweynaha uusan sax aheyn, loona baahan yahay gole wasiiro cusub’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Laba bilood ka hor ee ayaa loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyay uusan soo magacaabin gole wasiiro.