Madaxweynaha dalka Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

663

Muddisho ( UM) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Eritereeya Isaias Aferwerki ayaa maanta soo gaaray maagalada Muqdisho kaddib casuumaad rasmi ah uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Eritereeya uu hoggaaminayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha calaamiga ee Aden Abdulle Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wasiir iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Federaalka Soomaaliya .

Madaxweynaha Eritereeya ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysana maanta uga bilaabanaysa magaalada Muqdisho isagoo kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ee dowladda.