Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka la wareegay

391

Baydhabo – Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiaziz Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta xilka la wareegay.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynanimo ee Koonfur Galbeed kaas oo uu ku sime ka sii ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulkadir Shariif Sheekhunaa oo xilka si ku meel gaar ah loogu dhiibay kaddib markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheekh Aadan bishii November.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdiaziz Lafta Gareen ayaa sheegay in shacabka reer koonfur Galbeed uu si cadaallad ah ugu shaqeyn doono, taasi oo uu sheegay inuu horey loogu dhaariyey, looguna doortay sida uu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiaziz Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xilka loo doortay 19 kii bishaan December kaddib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in xilka loo caleemo saaro bisha soo socota ee sanadka cusub.

SHARE