Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka HirShabeele Dr Maxamed Cabdi Waare iyo xubno ka wehlinayay safarkiisa ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho iyadoo ay ku soo dhaweyeen madax ka tirsan dowladda dhexe iyo qeybo ka mid ah bulshadda rayidka ah. Xubnaha ku soo dhaweeyay Maxamed Waare gagida diyaaradaha waxaa ka mid ah wasiirka waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan, taliyaha hey’adda sirdoonka Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Mudane Muqtaar Xasan Afrax iyo Gen Cabdulaahi Xasan Bariise
Dr Waare ayaa ka hor imaanshiyahiisa Muqdisho wuxuu hore u soo maray magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo in muddo ah ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab kuwaas oo xiray wadada laamiga ah ee isku xidha deganadaasi iyo qeybaha kale ee maamulka HirShabeele iyadoo ay sababtay go’doomintaasi xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo soo food saaray dadka ku dhaqan deganadaasi isagoo ka dhawaajiyey in ahmiyadda kowaad ee maamulkiisu ay tahay sidii la iskugu furi lahaa wadada isku xidha degaanadda go’doonsan ee HirShabeele isla markaasna gargaar loola gaari lahaa shacabka ku dhaqan goobahaasi.
Waa markii ugu horesay ee uu yimaado Caasimadda Muqdisho Maxamed Waare tan iyo markii dhawaan loo doortay hogaanka maamulka HirShabeele oo doorashadii labaad ee M/weyninimo yeeshay in ka yar muddo sanad ah.
Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, iyadoo ku tilmaamtay inay u dhacday si xor oo xalaal ah.