Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay

1364

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dhawaan ay doorteen xildhibaanada dowlad degaanka Soomaalidda itoobiya ayaa lagu soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga ee fadhiga u ah dowlad degaanka.

Wafdiga waxaa ka mid ah ahaa mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ahna guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee Ismaamulka Soomaalida Axmed Shide iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Faarax Macalin.

Boqolaal dadweyne ah ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Jigjiga madaxweynaha cusub iyo wafdiggiisa, isaga oo la dajiyay madaxtooyada magaalada Jigjiga oo wali amnigeeda ay sugayaan ciidamada federaalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.

Jabhada ONLF ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweyne Mustafe oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi leh himilooyin-kii iyo hadafkii uu muddaba u soo dagaalamayay Ururka oo ah in la helo midnimo Soomaaliyeed.