Madaxweynaha dalka Kaamiroon ayaa khudbad uu jeediyay waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay guddi wadaxaajood qaran oo wadahadal la gali doona gooni-ugoosatada qaybta Ingiriiska looga hadlo dalkaas oo ay ka jiraan rabshado muddo soo socday.
Madaxweyne Paul Biya ayaa sheegay in wadahadallada oo uu hoggaamin doono Ra`iisul wasaaraha Kaamiroon, ay billaaban doonaan dhammaadka bsihaan. Wadahadallada ayaa sida lagu wado waxay isku keeni doonaan qaybaha kala duwan ee ku dhaqan gobolada Ingiriiska looga hadlo ee dalka Kaamiroon oo in badan ay colaado asalkoodu yahay faquuq ay tirsanayaan dalka Ingiriiska ku hadlo ay ka jireen.
Kacdoon ayaa ka bilowday sannadkii 2017 kaddib markii ay dowladdu si adag ula dhaqantay dibadbaxyo nabadeed oo ka dhacay gobolada kala ah Waqooyi Galbeed iyo Koonfur Galbeed oo ay horay u gumeysatay booqrtooyadii Britain. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanayay in ay gees u riixeen dadka Faransiiska ku hadla oo ah aqlabiyadda dalka Kaamiroon.
Dagaalka ayaa intaas ka gadaal waxa uu sababay dhimashada dad gaaraya 1800, iyada oo sidoo kalena ay ku barakaceen 500 ,000 oo qof sida ay tilmaameyso qiyaas ay sameysay hey`adda Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Biya ayaa khudbada uu Telefishinka ka jeediyay waxa uu ku sheegay in wadahadalku uu isku keeni doono wiilasha iyo gabdhaha dalkeenna aan jecelnahay ee quruxda badan, si ay iskula eegaan waxyaabo muhiim noo ah oo kala ah nabadda,amniga, midnimada qaran iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaan si toos ah u carabaabin in wakiillo ka socda gooni-ugoosatada lagu casuumay oo ay ka qaybgali doonaan wadahadalada. Bishii June hey`adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in wadahadallo dhexmara dowladda Kaamiroon iyo mucaaradku ay aad u adagtahay oo aysan jirin wax rejo ah.