Madaxweynaha Brazil oo amray in ciidan la geeyo keymaha gubanaya ee Amazon

1157
Madaxweynaha Brazil oo amray in ciidan la geeyo keymaha gubanaya ee Amazon. Sawirka: AFP

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa amar ku bixiyay in ciidanka dalka Brazil ay qayb ka qaataan daminta dabka ka holcaya keymaha Amazon ee dalka Barzil. Guddoomiyaha gobolka Roriama ayaa sheegay in  amarka madaxweynaha uu dhaqangalayo, ciidankana la geynayo si ay ula tacaalaan dab xooggan oo qabsaday keymaha aadka loo ilaaliyo ee Aamazon.

Tallaabada Madaxweynaha dalka Brazil qaaday ayaa imaaneysa iyada oo dalka Brazil uu dhaleeceyn kala kulmay dalalka caalamka oo si weyn uga xumaaday dabka baa`biyay keymaha Amazon oo loo arko in ay yihiin keymo muhiim ah u ah adduunka. Keymahaan ayaa lagu naaneysaa sambabka adduunyada maadaama ay 20% hawada(Oxygen) aan qaadano ay siiyaan caalamka.

Dalalka Faransiiska iyo Ireland ayaa ku hanjabay in ay hor istaagi doonaan heshiiska ganacsi ee xorta ah oo dhexmari lahaa Midowga Yurub iyo  isbaheysi ganacsi oo ka dhisan Koonfurta Amerika oo Brazilna ay xubin ka tahay haddii Madaxweyne Bolsonaro uusan tillaabo  qaadin uu kaga falcelinayo dabka ka holcaya keymaha Amazon. Dhanka kale Ra’iisu wasaraaha dalka Britain Boris Johnson ayaa tilmaamay  in uu ku baaqi doono cusbnooneysiinta diirad saaridda sidii loo ilaalin lahaa keymaha Amazon.

Xiisadda ka dhalatay dabka ka kacay keymaha Amazon ayaa cirka isku sii shareertay, iyada oo Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron uu ku eedeeyay Madaxweynaah dalka Brazil Bolsonaro in uu ixtiraami waayay heshiisyadii ku saabsanaa cimilada ee uu horay u saxiixay.

War qoraal ah oo ka soo baxay qasriga Elysee Palace ee looga taliyo dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in  Madaxweynaha Brazil uu been uga sheegay arrinta Madaxweynaha dalka Faransiiska.

Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa taageero u muujiyay qorshaha uu Madaxweynaha Faransiiska Macron  ku doonayo in arrinta keymaha roobka leh ee Amazon lagu daro ajendaha shirka dalalka G7ka oo ka dhacaya dalka Faransiiska maalinta sabtida ah.

War qoraal oo ka  soo baxay halka looga taliyo Britain ee Downing street ayaa lagu sheegay in Ra`iisul wasaare Boris uu si weyn uga walaacsan  yahay dabka isa soo taraya ee keymo roobeedka Amazon, iyo waliba khasaaraha soo gaaraya jaadadka kala geddisan ee noolayaasha aan la heli karin.

Madaxda kale ee caalamka ayaa iyaguna dareen ka muujiyay dabka keymaha Amazon. Hoggaamiyaha dalka Jarmalka  Angela Markel ayaa sheegtay in dabka ka kacay keymaha uu yahay mid laga naxo oo halis ah. Ra’iisul wasaaraha dalka Ireland Leo Veredkar ayaa sheegay in aysan jirin sabab Midowga Yurub uu heshiis ula saxiixdo dalka Brazil haddiiba dowladda dalkaas aysan dhowreyn  heshiisyadii la xiriiray deegaanka oo ay horay u saxiixeen.

Madaxda kale eek a hadashay dabka keymaha Amazon waxaa ka mid ah Ra`iisul wasaaraha finland Anti Rinne  oo walaac ka muujiyay mowqifka ay dowladda Brazil ka qaadatay dabka ka holcaya keymaha Amazon.

Madaxweynaha dalka Brazil Bolsonaro ayaa si adag uga falceliyay dhaliisha loo jeediyay isaga oo Madaxweynaha faransiiska Macron ku tilmaamay mid istcimaalaya luqad dhiillo xambaarsan oo aan waxba xallineyn.

Eedaha loo jeedinayo Madaxweynaha Brazil ayaa la xiriira hadallo uu horay u jeediyay oo uu ku sheegay in sharciyada ilaalinta keymaha Amazon ay caqabad ku yihiin  horumarinta dhaqaalaha. Bolsonaro ayaa sheegay in uu donayo in uu keymaha caalamka oo dhan fiirsanyo uu u badalo daaq xoolaad iyo beero lagu beero digirta.