Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdul Caziiz Buutafliiqa ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka tanaasulay in uu mar shanaad isku soo taago xilka madaxweynenimada dalka Aljeeriya kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dadweynaha dalkaas ay ku dalbanayeen in uusan isa sharaxin mar kale.
War qoraal oo ka soo baxay Madaxweyne Buutafliiqa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan tartami doonin doorashadii lagu waday in la qabto 18 bisha April.
Waxa kale oo qoraalka uu ku saxiixnaa Madaxweyne Butafliiqa lagu sheegay in uu dhawaan dhici doono isku shaandheyn golaha wasiiradda , iyada oo dib loo dhigayo doorashada oon wali la shaacin xilliga la qababayo.
Madaxweyne Butafliiqa ayaa dalka Aljeeriya xukumay muddo labaatan sanno ah.
Madaxweynaha ayaan xaaladdiisa caafimaad aysan wanaagsan dhawaanahaan waxaana uu ku aruuray gaariga lagu qaadk dadka cuuryaanka ah , isaga oo xitaa awoodi waayay in uu dadka u khudbeeyo.
Taas ayaa keentay in dadweynaha dalkaas ay kacaan iyada ay xaaladana uga sii dartay markii shan garsoore oo sarsare ay sheegeen in aysan korjoogteeyn doonin doorashada lagu waday in la qabto.
Dhanka kale waxaa iscasilay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, iyada oo uu beddelay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Aljeeriya.
Dalka Aljeeriya ayaa ka badbaaday kacdoonkii dalalka Carabta oo inta badan meesha ka saaray madax badan oo Carbeed oo in badan xukumayay dalalkooda.