Madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdilcaziiz Butafliiqa ayaa iscasili doona ka hor dhammaadka muddo xileedkiisa oo ku eg 28 bisha April ee sannadkaan, sidaas waxaa baahisay wakaaladda wararka Aljeeriya APS oo xiganeysa war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Aljeeriya.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Butafliiqa ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabooyin uu ku hubinayo in hey’adaha dowladda ay shaqadooda sii wadaan inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah.
Iyada oo laga duulayo sida xaaladda ay noqoneyso waqtiga kala guurka ah ayuu Madaxweyne Butafliiqa iyo Ra`iisul wasaare Nuurdiin Badawi waxay Axaddii soo dhiseen xukuumad hawlaha dowladda sii wadi doonta inta dalka ku jiro waqtga kala guurka.
Malyuumaad dad ah oo u dhashay dalka Aljeeriya ayaa wali sii wada dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha 82 jirka ah uu iscasilo, kaddib muddo ku dhaw labaatan sano oo uu hayay talada dalka Aljeeriya. Butafliiqa ayaan fagaarayaasha lagu arag tan iyo sannadkii 2013-ka markaas oo uu ku dhacay cudurka dhan-qalalka/Faalig(Stroke).
Horay ayuu Butafliiqa uu shaaciyay in uu u tartamayo Madaxweynenimada markiisa shanaad, hase ahaate waxa uu taas ka noqday 11 bishii Maarso, isaga oo doorashadii la qaban lahaa bisha Apriil 18 gabi ahaanba hakiyay sababo la xiriira dibadbaxyo xoogeystay oo looga soo horjeeday in uu xilka u tartamo maadaama uu kusoo aruuray gaariga lagu riixo dad cuuryaanka ah.
Iscasilaada Butafliiqa ayaa u muuqata mid aan wax ka badalin aragtida ardyada reer Aljeeriya ee baraha bulshada oo ku baaqaya in dibadbaxoyo waaweyn la iskugu soo baxo maalinta talaadada caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Mid ka mid ah ardayda ayaa sheegay in bixitaanka Butafliiqa kaliya ayasan ku fileyn oo aysan wax weyn soo kordhineyn maadaama ay wali dalka xukumaan xisbigii uu ka tagay Butafliiqa oo dalka xukumayay ilaa iyo 1962, walina sii xukumi doona haddii aan laga dhiidhin oo aan mudaharaadyada la sii wadin ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday aradaygaas ku sugan dalka Aljeeriya.
Iscasilaadda uu ku dhawaaqay Madaxweyne Butafliiqa ayaa imaaneysa iyada oo taliyaha awoodda badan ee ciidanka xoogga dalka Aljeeriya uu dhawaanahaan waday hab dastuuri ah oo madaxweynaha lagu shaacinayo in uusan xafiiska sii fadhi karin caafimaadkiisa oo liita dartiis. Isku daygaas taliyaha ciidanka ayaa xiisad ka dhex aburtay ciidanka iyo golaha xeydaabka hoose ee Madaxweyanaha.
Dhankooda golaha dastuuriga ee dalka Aljeeriya ayaa dhawaanahaanba lahaa kulamo ay ku qaadaadhigayaan in Madaxweynaha xilka laga qaado karo iyo in kale maadaama uusan caafimaad ahaan awoodin gudashada xilkiisa.
Sida uu ku xusan qodobka 102 ee dastuurka dalka Aljeeriya golaha dastuuriga ayaa go’aan ku gaari karo in xilka laga qaado Madaxweynaha, iyaga oo kaliya sugaya ogolaanshaha baarlamaanka dalkaas. Marka Madaxweynaha xilka laga qaado waxaa xilka Madaxweynenimo sii heynaya guddoonka aqalka sare muddo 90 bari inta laga qabanqaabinayo doorasho .

























