Madaxweynaha Afghanistaan oo ballanqaaday sii deynta maxaabiis Taliban ah

551
Madaxweynaha Afghanistaan Ashraf Ghani oo ballanqaaday sii deynta maxaabiis Taliban ah. AP

Madaxweynaha Afghanistaan Ashraf Ghani ayaa bilaabay geedi socodka lagu deynayo 2000 oo maxaabiis ah oo ka tirsan Daalibaan. Afhyeenkiisa ayaa ku tilmaanay tillaabadaan mid niyad wanaag ah.

Go’aanka Madaxweynaha Afghanistaan ayaa imaanaya kaddib aqablaaddii laa filaanka ahayd ee dowladda Afghanistaan ay aqbashay xabad joojin sadexda barri ee ciidda ah oo ay ku dhawaaqday kooxda Taalibaan.

Waxaa muuqda in xabad joojinta ay horay u gaareen kooxda Taalibaan iyo Mareykanka aysan wali burin oo dhinacyadu aysan isku dhicin.

Dowladda Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegtay in ay bilaabayaan wadahadalada nabadda Afghanistaan iyada oo dhanka dawladda uu matali doono Cabdallah Cabdallah oo horay ay siyaasadda iskugu hayeen Ashraf Ghani hase ahaate ay heshiis gaareen.

Mareykanka iyo Taalibaan ayaa heshiis ay ku saxiixdeen Qadar waxaa ka mid ahaa in la sii daayo maxaabiista gaareysa 5000ta kun ee Taalibaan ka xiran.