Madaxwaynihii Hore ee dalka Brazil oo Booliska isu dhiibay

820
Mandatory Credit: Photo by Nelson Antoine/AP/REX/Shutterstock (9554516b) Brazil's former President Luiz Inacio Lula da Silva waves to supporters in front of the metal workers union headquarters in Sao Bernardo do Campo, Brazil, . Da Silva has been given until the afternoon of Friday, April 6, to turn himself in to police in Curitiba and begin serving a sentence of 12 years and one month for a corruption conviction Da Silva, Sao Bernardo do Campo, Brazil - 05 Apr 2018

Madaxwaynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio “Lula” da Silva ayaa lagu soo waramayaa inuu isu dhiibay ciidamada Booliiska dalkaasi ka dib markii maxkamad ay Ku xukuntay xabsi muddo dheer.

Luiz Inacio “Lula” da Silva ayaa dhowaan maxkamad waxaa ay ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah ka dib markii maxkamaddu ay Ku heshay  musuqmaasuq iyo wax is daba Marin muddadii uu xilka haayay.

Booliiska ayaa maalmihii la soo dhaafay baadi goob ugu jiray Mr Lula si ay usoo xiraan xukunka ka dib ayadoo sidoo kale maxkamadda ay booliiska soo siisay warqaddii lagu soo xiri lahaa.

Lula, ayaa haatan waxaa u bilowday in xabsiga uu Ku qaato 12 sano oo xarig ah.

Maalmihii lasoo dhaafay madaxwaynihii hore waxaa booliiska ay awoodi waayeen inay soo xiraan ayadoo gurigiisa at isku gadaameen kumanaan taageerayaashiisa ah.