Madaxwaynihii Catalonia oo isu dhiibay Booliiska Belgium-ka

764

Dacwad oogayaasha dalka Belgium-ka ayaa xaqiijiyay in hogaamiyihii shaqada laga cayriyay ee gobalka Catalonia ee dalka Spain, Carles Puigdemont, iyo 4 xubnood oo horey uga tirsanaa golihiisa wasiirada ay isu dhiibeen booliiska dalka Belgium.

Garsoore u dhashay dalka Spain ayaa horey u soo saaray warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaashani oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal mucaardnimo dalkana ay Khiyaaneen ka dib markii afti dadwayne oo aan Sharci ahayn ay ka qabteen gobalka ugu qanisan dalka Spain ee Catalonia.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa go’aan ka gaari doona maalinta barito ah codsiga Spain ee ahaa in hogaamiyayaashani la xiro.

Mr Puigdemont ayaa sheegay in uusan dib ugu laaban doonin dalka Spain ilaa uu ka helayo damaanad qaad ku aadan in uu helayo maxkamadayn u dhacda si xaq.

Xiisaddan siyaasadeed ee ka tagan dalka midowga Yurub ka tirsan ee Spain ayaa sii xumaatay ka dib markii Baarlamaanka gobalka Catalonia ay ku dhawaaqeen in gobalka uu ka go’ay Spain inteeda kale.

Go’aankaasi ka dib dowladda dhexe ee Spain ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Mariano Rajoy, ayaa Catalonia kusoo rogtay xukun toos ah islamarkaana waxaa ay baabi’isay is-maamulka gobalka.

Mr Puigdemont, ayaa muddooyinkan Ku dhuumaalaysanayay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayadoo baadi-goobkiisuna uu soconayay.

Dhanka kale Kumanaan qof oo ah dadka reer Catalonia ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Dadkan ayaa waxay dalbanayaan in la siidayo wasiiro hore oo ka mid ah dadkii tageersanaa aftidii madaxbanaanida kuwaasi oo ay xirtay xukuumadda Spain.

Dadka dibaxa dhigaya ayaa waxa ay u arkaan hogaamiyayaashani xiran in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

Sideed siyaasi ayaa la xiray waxaan ku socda baaritaan la xiriira in ay ku kaceen falal mucardnimo iyo khiyaano qaran.

SHARE