Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay dhagax dhiga Dugsiga Xaawo Taako ayaa sheegay imuu muhiim u yahay sare u qaadista waxbarashada Soomaaliya.
” Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waan ku faraxsanahay madaxweynaha inuu dhagax dhigo Dugsigii markii ugu horeysay la oran jiray Ligino Elan laakiin hadda Xaawo Taako loo yaqaano,Dugsigan waa Taariikhda Soomaalida xilligii Gumeysiga Taariikhda leh ku leh,waxaa ka soo baxay dad badan oo muhiim ah oo dalkaan Taariikhda baal dahab uga jiro,tani waxay ka mid tahay madaxweynaha iyo Dowladda hadda balanta ay qaadeen in waxbarashada la soo celiyo,waxaad ogtihiin in madaxweynaha sanadkaan uu ka dhigtay Waxbarashada sloganti oo la doonayo in wadanka horay loo kaxeeyo oo dhaqaalihiisa kor loo qaado waa muhiim in waxbarashada ay noqoto udub dhaxaadka dalka,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhagax dhiga Dugsiga Xaawo taako ka dib hadlay ayaa sheegay in dalka kasta horumarkiisa ay ku xiran tahay heerka uu gaarsiisan yahay waxbarashadiisa.
” Saad u jeedaan maanta waxaan naga dhigeynaa Dugsigii la oran jiray Xaawo Taako oo aan dooneyno inaan dib u dhisno,Dugsigaan wuxuu noqon doonaa Dugsi Engineerin iyo Farsamo runtii waxaan ognahay in waxabarashada ay tahay Horumarka Ummadeed waliba bacdamaa uu dalka bur bur dheer soo maray oo aan dooneyno inaan dib u dhisno waxaan u baahanahay Farsamo dhalinyaradeena ama carruurteena barno si dalkaan uu u noqdo mid isku filan,waxaan dooneynaa inaan dib u dhisno Dugsiyada Farsamada,” ayuu yiri madaxeynaha Soomaaliya.
Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo Xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay Halyeeyaddii Xaawo Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku buruburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.