Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay dalka Boqortoyada Sacuudi Carabiya ayaa galinkii dambe maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.
Madaxwayne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kasoo dajisay diyaarad ay leedahay dowladda Sacuudiga.
Dowladda wali wax war ah kama soo saarin socdaalka madaxwaynaha ee Sacuudiga iyo wixii uu kala soo kulmay xukuumadda Riyadh, inkastoo horay ay u sheegtay in madaxwaynaha uu safar shaqo oo labo maalmood ah ku tagayo Sacuudiga.
Wax faahfaahin wali lagama helin kulamadii dhexmaray madaxwaynaha Soomaaliya iyo boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdul Asiis Aal-sacuud iyo dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan.
Booqashada Farmaajo ee Sacuudiga ayaa ahayd tii Saddexaad ee uu ku tago dalkaasi tan iyo intii baarlamaanka Soomaaliya bilowgii sanadkan ay u doorteen xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Dhanka kale
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay kaga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.
Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira Caasimada.