Madaxwayne Farmaajo oo u ambabaxay Turkiga kana qayb galaya shirka ururka Iskaashiga Islaamka

964

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada   Soomaaliya  Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka  qaddiyadda magaalada Barakaysan ee Qudus, taasi oo 6-dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan,  si Madaxda Islaamka ee ku mideysan (OIC) ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump, ee magaalada Qudus, uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha war-faafinta madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.” ayuu Cabdinuur, intaasi Ku daray.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.