Madaxwayne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Turkiga

984

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow u ambabaxay  Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo wafdigiisa ayaa waxa ay ka ambabaxeen dalka Jabuuti oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen, halkaasi oo Madaxwaynaha uu laga qayb galaxy shirka Iskaashiga wadamada Afrika iyo Shiinaha ayadoo sidoo kale uu magaalada Jabuuti uu kaga ka qayb galay furitaanka Aaga  ganacsiga xorta ah.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa sabat y dalka Turkiga ugu ambabaxeen waxaa lagu sheegay in ay magaalada Ankara kaga qayb galaan Calleema-saarka Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan oo dhawaan dib loo doortay ka dib doorashadii madaxtinimada iyo middii Baarlamaaniga ahayd oo dhammaadkii bishii aan soo dhafnay ka dhacday dalkaasi Turkiga.

Caleema-saarka Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waddaa in ay  ka dhacdo magaalada  Ankara.

Calleema-saarka Madaxwayne Erdogan ayaa sidoo kale waxaa lagu qadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah hogaamiyaasha Caalamka inkastoo laga yaabo in madaxda dowladaha Galbeedka ay ka qayb gali waayaan maadaama aysan la dhacsanayn siyaasadihii hore ee madaxwaynaha la calleema-saarayo.

Wakaaladda wararka dalka Turkiga Anadolu News Agency, ayaa Ku warantay in ra’iisul wasaaraha dalka Ruushka  Dmitry Anatolyevich Medvedev kaasi oo horay usoo noqday madaxwaynaha dalka Ruushka.