Madaxwayne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Sacuudiga (Sawiro)

936

Madaxwaynaha jamhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeda dalka boqortooda Sacuudi Carabiya.

Madaxwaynaha Soomaaliya, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka raacay diyaarad khaas ah oo la sheegay in ay usoo dirtay dowladda Boqortooyada Sacuudiga.

Booqashada madaxwaynaha oo ah tii Saddexaad oo muddo sanad gudihiisa uu ku tago dalkaasi ayaa ka dambaysay ka dib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxda sare ee Sacuudiga.

Madaxwaynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federal ka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdul Asiis Aal Sacuud iyo dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed bin Salmaan.