Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu qadka telfoonka kula hadlay madaxwaynaha dalka Masar Cabdifatax Alsiisii.
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Masar kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo aas-aaska wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Masar, sidaa waxaa maanta oo Tallaado ah ku waramay warbaahinta Barriga dhexe gaar ahaan kuwa dalka Masar.
Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisis ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato dhinacyada kala duwan ee xiriirka labada dal, isagoo sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada farsamo iyo sidoo kale dadaalkeeda ah in ay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’adaha dawladda iyo dib u soo celinta ammaanka iyo xasiloonida.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii August ee sanadkan booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo wada hadalo dheer ah yeeshay labada Madaxweyne, waxayna wada gaareen heshiisyo iskaashi oo dhiancyo kala duwan ah.