Madaxwayne Farmaajo oo sannadkan aan ka qeybgali doonin Shirka Guud ee QM

1154

Muqdisho (UM) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Cawad, ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka furmi doono 25-ta September 2018.

Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa halkaasi uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo sannadkan diiradda lagu saari doono kuwaas oo ay kamid yihiin xasuuqa loo geystey qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar, xaaladda bini aadamnimo ee dalalka Yemen iyo Syria, xayiraadda Maraykanku kusoo rogey dhaqaalihii uu siin jirey Hay’adda Gargaarka Falastiin ee UNRWA; iyo arrimaha nukliyeerka ee dalka Iran iyo Waqooyiga Kuuriya..

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in wasiir Cawad uu shirka Qaramada Midoobay ku matali doono Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sidoo kale golaha kahor jeedin doona khudbaddii Madaxwaynaha.

Warar hordhac ah oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in sababta keentay Farmaajo inuu  shirka New York ka qayb geli waayo ay tahay, maadaama uu ku mashquulsan yahay xal u helista xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, gaar ahaan xallinta khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhex taagan madaxda Maamulka Galmudug.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad  ayaa waxa uu ka jeedin doonaa fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.