Madaxwayne Farmaajo oo la kulmay Sanator ka tirsan Golaha Odayaasha Maraykanka (Sawiro)

688

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wada hadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Sanatar Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoona ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan uu ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxaa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale u soo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.