Madaxwayne Farmaajo oo la kulmay madaxda bulshada rayidka (Sawiro)

2785
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo la kulmay madaxda bulshada rayidka. Asniin, 25. Sep. 2017/ Mogadishu, Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

Dhanka kale

Ilaa 100 qof oo danyar ah oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruuc indho fiiqis ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto. Sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo, waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah” ayuu yiri  C/qaadir Macalin Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliaya .

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha  oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay.