Madaxwayne Farmaajo oo ku wajahan Garowe

1808

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ku wajahan magaaladaasi maalmaha soo socda.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka baxay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaan hordhac ah u ah booqashada Madaxweyne (Farmaajo) uu ku tagayo Puntland, uwaas oo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo u ambabaxaan magaalada Garowe, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha degaano kale oo ka tirsan Puntland uu booqon doono.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Garowe wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) uu ku tagayo Puntland ayaa noqonaya tii ugu horeeyay uu ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 8-da February ee sanadkii 2017.