Madaxwayne Farmaajo oo Jabuuti uga qayb galaya shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (Sawiro)

1469

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti  Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-ta ilaa iyo 7-da  bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay maanta  furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti.

Munaasabaddaasi waxaa  goobjoog ka ahaa Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame,   Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir,  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Guddoomiyaha Midowga.

Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.

“Hawshan waxaa galay waqti badan, shaqo badan, aragti fog iyo hoggaan wanaagsan oo uu hormuud u yahay walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle taasoo iyadana ku timid wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda Jabuuti.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga  Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha  Balal Cusmaan.