Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Balanbale

765

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamd Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Boqolaal qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka degmadaasi, kuwaasi oo caleemo qoyan kusoo dhoweynayey wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, wasiirka Koowaad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa in  madaxweyne Farmaajo uu meel fagaare ah kula hadlo dadweynaha ku dhaqan degmada Balanballe.