Madaxwayne Farmaajo oo furay shirka Amniga Qaranka (Sawiro)

784

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  ka furay Magaalada Baydhabo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/l/aahi Farmaajo ayaa waxaa qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka iyo Guddoomiyha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada.

Shirkii u dambeeyay Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.