Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qaybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.
Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Shirka Magaalada Sharma Sheekh waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen dhigooda Wasiiradii Afrika ee Shirka qeyb galay.