Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Waxaan la kulmay Madaxweynihii hore Mudane @HEhassansheikh. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna. pic.twitter.com/Gf1VcmTiwt
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) July 10, 2018
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uuna degan yahay dalka Turkiga.