Madaxwaynaha Turkiga oo mar kale booqanaya dalalka Gacanka

967

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa  in Isbuucan  aynu ku guda jirno uu booqasho rasmi ah uu Ku tago qaar ka mid ah dalalka Gacanta Carabta.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxwayne Erdogan uu booqasho rasmi ah Ku tagi doono dalalka Kuwayt iyo dalka cuna-qobataysan ee Qadar.

Wakaalladda wararka dalka Turkiga AA ( Anadolu agency) oo soo xiganaysa xafiiska madaxwaynaha ayaa ku warantay in madaxwayne Raccep Tayyip Erdogan uu Kuwayt la saxiixan doono heshiis labo geesood ah.

Booqashadan ayaa billaaban doonta 13-ka bishan taasi oo ku eg 15-ka bishan November.

Erdogan ayaa lagu wadaa in muddada booqashadiisa uu magaalada Dooxa uu kaga qayb-galo  ” Shirka  Istaraatiijiyadda Sare ee Guddiga Turkiga iyo Qadar ( third Turkey-Qatar Highly Strategic Committee).

Turkiga ayaa saaxib dhow la ah dalka walaalihiis ay go’doomiyeen ee Qadar, ayadoo madaxwaynaha Turkiga sidoo kale saaxiib dhow la yahay boqortooyada Sacuudi Carabiya inkastoo Imaaraadka iyo Turkigu aan isku ficnayn tan iyo wixii ka dambeeyay af-gambigii dhicsoobay ee dalka Turkiga kaasi oo lagu eedeeyay in Imaaraadka uu Ballaayiin Dollar uu ku bixiyay in-qilaabkaasi dhicsoobay.

Booqashada Erdogan ayaa noqonaysa tiisii Labbaad ee uu ku tago Kuwayt iyo Qadar tan iyo intii ay bilowdeen qulqulutooyinka dalalka gacanka Carabta taasi oo bilaabatay markii dalka Yar ee Hodanka ah ee Qadar ay cuno-qobatayn dhul, Cir iyo Badba leh ay ku soo rogeen dalalka Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Imaaraadka iyo Masar.