Madaxwaynaha Turkiga oo booqday Jaziiradda Suakin (Sawiro)

993

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan oo booqasho rasmi ah Ku maraya dalal Ku yaala Qaaradda Afrika ayaa booqday Jaziiradda Suakin ee Ku taala xeebta badda Cas ee dalka Suudaan.

Booqashadiisa Jaziiradda Suakin ayaa madaxwayne Raccep Tayyip Erdogan waxaa Ku wehliyay madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Erdogan ayaa booqday dhismayaal iyo masaajidyo ay hergalisay Hay’adda Turkish-ka ah ee TIKA.