Madaxwaynaha Turkiga oo 12 kun oo qof kula hadlay magaalada Sarajevo

750

Madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa gaaray magaalada Sarajevo, ee caasimadda dalka Bosnia isagoo halkaasi ka wada ololalihiisa doorashada guud ee la filayo in bisha soo socta ay ka dhacdo dalkaasi Turkiga.

Ololalahan madaxwayne Erdogan uu ka wado dalka Bosnia ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah dowladaha Yurub ay siyaasiyiinta dalka Turkiga ka mamnuuceen ay ka ololaleeyaan halkaasi.

Dowladahaasi waxaa ka mid ah Netherlands/Holland, Jarmalka iyo Austria, halkaasi oo ay Ku nool yihiin Jaaliyadaha ugu badan ee ka soo jeeda dalka Turkiga, kuwaasi oo sharciyad u haysta inay ka qayb galaan doorashada madaxtinimo iyo midda Baarlamaaniga ah ee lagu wado bisha June inay ka dhacdo dalka Turkiga.

Ololaha xisbiga Erdogan ee Justice and Development Party (AK Party) uu ka wado magaalada Sarajevo, ayaa ah midda kaliya ka dhacaysa dalalka Yurub ka hor doorashada waqtigeeda laga soo hormariyay ee Turkiga.

In ka badan 6 Malyeen oo Turki ah ayaa dibadaha Ku nool, ayadoo badankood ay Ku nool yihiin dalalka Ku yaala Galbeedka Qaaradda Yurub.

Kala bar Turkidaasi ayaa awooday inay ka qayb galaan doorashooyinkii hore ee ka dhacay Turkiga.

Dalka Jarmalka oo kali ah waxaa ku nool 1.4 Milyan oo Turki kuwaasi oo sharciyad u haysta in ay ka qayb galaan doorashadaan.

Doorashadan ayaa ah mid dalka Turkiga uu kaga baxayo Nadaamka Baarlamaaniga ah ayadoo u gudbaya Nadaamka Madaxwaynanimada, taasina waxaa ay awood dheeri ah siinaysaa madaxwaynaha.

Ra’iisul wasaaraha dalka Austria, Sebastian Kurz, ayaa Erdogan Ku dhaliilay inuu Yurub ka wado in dadka asal ahaan kasoo jeeda Turkiga uu kala qaybiyo.

Yurub, ayaa doonaysa in dadka labada dhalasho haysta in ay ahaadaan kuwo Ku dhex milma bulshada Yurub.

Dhowaan ayay ahayd markii ciyaartoy caan ah oo kubadda cagta kaga xamaasha Yurub sidoo kalena u dheela xulka Qaranka Jarmalka ay dhaleecayn xoogan ay la kulmeen ka dib markii Kulan gaar ah magaalada London ay kula yeesheen madaxwaynaha dalka Turkiga.

Ciyaartoydaasi waxaa ka mid ahaa Xiddiga qadka dhexe ee xulka Qaranka Jarmalka iyo Kooxda Arsenal Mascuud Ozil iyo Ilkay Gundogan oo ka tirsan kooxda Manchester City iyo xulka Qaranka Jarmalka.

Ugu dambayntii madaxwayne Erdogan, oo 12,000 oo Turki ah kula hadlayay caasimadda dalka Bosnia ayaa waxaa uu ka codsaday inay codkooda siiyaan isaga islamarkaana si cad uga qayb galaan Siyaasadaha dalalka Yurub.