Madaxwaynaha Suuriya oo booqanaya K/Waqooyi

889

Warar ay baahiyeen warbaahinta dalka Suuriya ayaa lagu sheegay in madaxwaynaha dalkaasi Bishaar Xaadith Alasad uu booqasho rasmi ah Ku tagi doono Waqooyiga dalka Kuuriya.

Dowladda Suuriya oo la sheego inay  xulufo yihiin Kuuriyada Waqooyi kama aysan hadlin qorshaha booqashada la faliyo in madaxwayne Bishaar Alasad uu Ku tago dalka dunida inteeda kale ka go’doonsan ee Kuuriyada Waqooyi.

Labada dal ayaa lagu eedeeyey in ay iska kaashadaan hubka Kiimikada ah, balse labada dawladoodba way beeniyeen eedaymahaas.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ee KCNA oo sidoo kale ka hadashay qorshaha Asad ma aysan sheegin taariikhda rasmiga ah ee booqoshada.

Bishaar A-lasad, Madaxwaynaha dalka Suuriya ayaa dhowaan sheegay in booqashada Kuuriyada Waqooyi ay tahay mid muhiimaddeeda leh.

Waxaa la filayaa in booqashada Kuuriyada Waqooyi uu Ku tagayo madaxwaynaha Suuriya ay tahay booqashadiisii ugu horaysay uu dalka Suuriya kaga baxo tan iyo intii dalkaasi Suuriya ay ka bilowdeen dagaalka Sokeeye marka laga reebo socdaallo uu Ku tagay dalka Ruushka.