Madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa shaqada ka eryay wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi.
Wakaaladda wararka dalka Suudaan news agency of Sudan (SUNA) ayaa ku warantay in madaxwaynaha dalkaasi Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, uu shaqada ka eryay wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Ibrahim Ghandiur.
Wasiirka, ayaa shaqada looga eryay Dikreeto uu soo saaro madaxwaynaha taasi oo lagu daabacay wakaaladda wararka (SUNA).
Dikreerada madaxwaynaha dalka Suudaan uu shaqada kaga eryay wasiirka Arrimaha Dibadda Laguma sheegin wax sabab ah oo wasiirka shaqada looga eryay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sababta madaxwaynaha uu wasiirka Arrimaha Dibadda shaqada kaga eryay ay sabab u tahay hadallo uu ka jeediyay xarunta baarlamaanka dalka Suudaan.
Wasiirka ayaa baarlamaanka ka sheegay in dalka uu Ku jiro marxalad aad u adag oo dhanka dhaqaalaha ah, islamarkaana Dowladda xitaa ay awoodi la’dahay inay bixiso mushaaraadka shaqaalaha dib-lumaasiyadda dalka Suudaan.