Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Dhinaca Siyaasadda Jeffrey D. Feltman oo maanta Muqdisho soo gaaray.
Ku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Dhinaca Siyaasadda Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo ku sheegay mid muhiim ahaa, islamarkaana ay kaga wada hadleen taageerida Qaramada Midoobey ee arrimaha ammaanka.
Dhanka kale Sarkaalkan Qaramada Midoobe ka socday, ayaa kulan kale la qaatay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka Dastuurka, C/raxmaan Xoosh Jibriil.
C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa kulanka kadib warbaahinta u sheegay kulanka in diirada lagu saaray amniga, siyaasadda iyo halka ay mareyso dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.
Wuxuu kaloo la kulmay Jeffrey D. Feltman Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo uu kala hadlay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda dowladda ee 2020-ka, amniga, dhaqaalaha, xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.