Madaxwaynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya

1447
President Mohamed Abdullahi Farmaajo chairing a government meeting in Mogadishu: Photo: Villa Somalia

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxwaynaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu u hambalyeeyay Abiy Axmed oo noqday ra’iisul wasaarahii ugu horeeyay ee dalka Itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada dalkaasi kuwaasi oo ah qowmiyadda ugu tirada badan qowmiyadaha Ku nool dalkaasi Itoobiya.

Mr Abiy Axmed, ayaa loo dhaariyay xilka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ka dib markii ay ansxiyeen Golaha Baarlamaanka dalkaasi Itoobiya.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu qadka telfoonka ay Ku wada hadleen isaga iyo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya.

” waxaan u xaqiijiyay inay naga go’antahay inaan sii kordhino xiriirkeena laba geesoodka ah oo ay ka mid yihiin hormarinta Ganacsiga iyo maal-gashiga iyo xoojinta ammaanka gobalka ” Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sidaa Ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter ka.