Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Jiddah (Sawiro)

810

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya Mudane Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda.

Dadka soo dhoweeyay waxaa  ka mid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Waa booqashadii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tago Dalka Sacuudiga.

Madaxwaynaha ayaa booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweynanimo ee markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.