Xisbiga haya talada dalka shiinaha ayaa soo jeediyay in isbedel lagu sameeyo qodobka mid ah dastuurka dalkaasi kaasi oo xaddiya madaxtinimada wax ka badan laba jeer.
Tallaabadaan ayaa u ogolaanaysa madaxweynaha hadda talada haya ee Xi Jinping inuu talada sii hayn doono ilaa iyo inta waqtigiisa ka dhamaanayo.
Waxa jiray warar sheegayay in madaxweyne Xi Jinping uu raadniyo inuu waqtiga korarsado ilaa sanadka 2023-ka.
Madaxweynaha Xin ayaa la filayaa inuu xilka ka deggo sanadka 2022ka.
Shirkii Xisbiga ee sandkii hore ayaa waxa ay u aqoonsadeen Madaxweyne Xi inuu yahay hogaamiyaha ugu awoodda badan tan iyo aasaasihii xisbiga ee Mao Zedong.