Madaxwaynaha Xukunka loo dheereeyay ee dalka Shiinaha Xi Jinping, oo jeedinayay Khudbaddiisa xiritaanka Baarlamaanka Shiinaha ayaa sheegay in Shiinuhu uu yahay mid kusoo baxaya quwadda soo koraysa ee Caalamka.
Madaxwayne Xi Jinping, ayaa sheegay in muhiimadda koowaad maamulkiisa uu siin doono midnimada Dhul waynaha Shiinaha iyo dadkiisa.
Waxaa uu ka digay wax walba oo la xiriira dhulalka Shiinaha ka tirsan oo doonaya inay dalkaasi intiisa kale ay ka go’aankii soda Taiwan iyo Jaziiradda caanka ah ee Hong Kong.
Xi Jinping ayaa waxaa uu noqday hogaamiyaha ugu saamaynta badan ee Shiinaha ka dib aasaasihii Shiinaha Casriga ah ee la oron jiray Mao Zedong.
Madaxwaynaha dalka Shiinaha ayaa ah mid isbadel wayn oo dhanka hormarka ah gaarsiiyay dalka tan iyo intuu xilka qabtay.
Baarlamaanka Shiinaha ayaa dhowaan isbadel wayn Ku sameeyay Dastuurka dalkaasi, ayagoo Mr. Xi, u ogolaaday inuu xilka hayo inta uu doono xitaa inuu xilka haayo inta uu noolyahay haddii uu u baahdo.
Xi Jinping ayaa haya xilalka ugu was wayn Jamhuuriyadda Caalamka ugu dadka badan ee Shiinaha.
Xi, waa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Shuuciga ah ee dalka Maamula, waa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda isaga oo sidoo kale ah taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Shiinaha.