Madaxwaynaha oo si wayn loogu soo dhoweeyay Garowe (Sawiro)

847

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdiga uu hoggaaminaayo ee gaaray Magaalada Garoowe ayaa si weyn loogu soo dhaweyn Magaalada Garoowe.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa laga dareemayaa farxad saaid ah ayagoo si weyn iskugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Garoowe si ay usoo dhaweeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehelinaya Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay uga sii horeeyeen Wafdi hordhac u ahaa kan madaxweynaha ee maanta halkaasi gaaray.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamul-Goboleedka Puntland, Odoyaasha Dhaqanka, Ardayda wax ku barata Deegaankaasi iyo Dadweyne aad u fara badan, iyadoo soo dhaweyntiisa ay u diyaar-garoobeen maalmihii la soo dhaafay, waxaana Magaaladaasi lagu xardhay calamo iyo caleemo qoyan, islamarkaana waxaa garoonka la dhigay Roogga Cas.