Madaxwaynaha oo ka qayb galay xuska 58 sano guurada ciidaanka Xoogga dalka (Sawirro)

1006
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo hadal ka jeedinaya xuska 58-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka Xoogga Dalka/ Khamiis 12/04/2018 (Xuquuqda Sawirada Radiomuqdisho)

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda 12ka April oo ku beegan maalinta aasaaska ciidanka Xoogga dalka.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Madaxweynuhu ugu horreyn  hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabada maalinta xuska Xoogga dalka ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo munaasabad maalinta Cidanka Xoogga dalka ka hadlayay.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa  ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda  Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.