Madaxwayne Farmaajo oo hakiyay kulankii loo balansanaa ee Baarlamaanka

848

Waxaa la hakiyay  kulankii mudanayaasha  Golaha Shacabka  ee loo ballansanaa maanta,kadib soo jeedin ka timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo sida uu xaqiijiyay Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajibka Saaraan.

Wararka ayaa sheegaya kulanka loo baajiyay si looga fogaado dhibaato ka dhalan karta fadhiga Golaha marka ay isugu taggi lahaayeen xildhibaanno siweyn ugu kala aragti duwanaa Ajandaha kulanka.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay.

Inkastoo kulanka maanta uu baaqday haddana lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono madaxweynaha oo hadda u muuqda in uu si toos ah u soo fara-galiyay xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan xildhibaannada Golaha Shacabka.