Madaxwaynaha oo booqday wasaaradda Gaashaandhiga

1038

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo  ayaa maanta booqday dhismaha wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha   ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixino la xiriira howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Al-Shabaab iyo xaaladaha guud ee Ciidamada Qalabka sida.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo LA hadlayay saraakiisha ciidamada xooga dalka, ayaa waxaa uu soo hadal qaaday in kaalmada dhaqaalaha ahayd ee Ciidamada ay ka heli jireen dowladda Maraykanka oo la hakiyay.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay bixin doonto wixii la hakiyay oo idil oo isugu jira dhaqaalaha iyo agabk militari.