Madaxwaynaha oo booqday taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

813

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee ku taala magaalada Dhuusa-mareeb, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka, kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug, mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda, wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusa-mareeb