Madaxwaynaha Maraykanka oo la kulmay dhiggiisa Nigeria

862

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa la kulmay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka.

Ka dib kulanka ayaa madaxwayne Trump waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dowladda Nigeria ay meesha ka saari doonto caqabadaha dhanka ganacsiga.

Waxa uu intaa ku daray in uu rajaynayo in beeraleyda Mareykanka loo ogolaan doono in wax soo saarkooda ay u dhoofiyaan Nigeria.

Arrintan ayaa ah mid uu muran ka taagan yahy iyada oo ay dowladda Nigeria ay isku dayayso in ay hormariso wax soo saarka waaxda beeraheeda ayna doonayso in ay la tacaasho shaqa la’aanta iyo dhaqaalha ku tiirsan shidaalka.

Horey ayaa Nigeria waxay aqbashay in 11 diyaaradaha militariga ah ay ka soo iibsato Mareykanka.

Madaxweynaha Nigeria Muxammadu Buhaari ayaa noqonaya hoggaamiyihii Afrikaan ah ee ugu horreeyay oo magaalada Washington kulan kula qaata madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.