Madaxwaynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay dalka Suudaan (Sawiro)

508

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee maanta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Dibada  ee Sudan  Hamid Mumtaz oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood uu salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Labada hogaamiye waxaa lagu  wadaa in ay ka wada hadlaan Arrimaha ay ka mid  yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo dhinaca dib-lomaasiyadda,iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan laheyd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka,iyagoo kala saxiixandoona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa lafilayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixin doono horumarka kajira Soomaaliya.

SHARE